Muqdisho, 11 June 2017 – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada JFS Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa maanta guddoomiyey Shir heer sare ah.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo hadal kooban u jeediyey wafdigan caalamiga ah ee soo gaaray dalka ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey booqashadooda iyo sida beesha caalamku ugu soo gurmaday Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu hoosta ka xariiqay in weli loo baahanyahay gurmad deg-deg ah iyo in mashaariic horumarineed laga fuliyo dalka si loo baajiyo abaaraha soo noqnoqday, isla markaasna shacabka loogu abuuro shaqooyin ay howlahooda ku maareystaan.
Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa wafidga heerka caalami ah ee soo gaaray Muqdisho ugu baaqay inay booqdaan xerooyinka barakacayaasha ah isla markaasna u rajeeyey inay waqtigooda ay joogaan Soomaaliya ay si wanaagsan uga xog wareystaan Wasaaradaha Gargaarka iyo Qorsheynta si mashaariicda horumarineed ay u noqdaan kuwo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka. Wafdiga heerka sare ee ka kala scoday QM, Midowga Afrika, Ururka Caalamka Islaamka, wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar iyo hay’adaha gargaarka ayaa ku ammaanay Dowlada Federaalka dadaalka ay ku bixisey sidii abaaraha loo yareyn lahaa oo suurtogalisey in laga hortagay in abaarahu noqdaan macluul. |