Machadka Barashada Shareecada Islaamka Ee Imaamu Bukhaari ayaa maanta xaflad u qabtay Dufcadii shanaad ee ka qalin-jabisaa Mac-hadkaasi .
Waxaana xafladdani ay ka dhacday Kaah Hotel Ee Hargaysa, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Dib u Dajinta Somaliland, Culimo, Madax Dhaqameed, Waalidiinta Ardayda, iyo Marti sharaf kale .
Sheekh Barbaraawi oo halkaasi ka hadlay ayaa ilaahay ka baryaay in uu ka abaal-mariyo dadaalka uu machadkani galiyay faafinta iyo barashada Cilmiga Shareecada islaamka .
Maaaulaha Machadka imaamu Bukhaari Axmed Maxamed Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ardayda ku booriyay in ay aqoontooda ay halkaasi ka sii wadaan .
“ Waxaa weeye machadkii hadaa ka tagteen, Waar cilmigii iyo diintii kamaydaan tagin, Rag iyo dumarba, Waa in cagta waddada ku haysaan, ilaa aad gaadhayso heer aad mahadiso oo aad u heer-sareeyaa, Waayo dadkii lonooga sheekeeyay samir ayay ku gaadheen Cilmiga noocan oo kale ah, Waxaan iclaaminaynaa in aanu qaadanayno arday cusub …,” ayuu Yidhi Maamulaha Machadka Imaamu Bukhaari Axmed Maxamed Ibraahim .
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Madax Dhaqamed iyo walidiin kuwaas oo bogaadiyay Ardayda qalin-jabisay .
Wasiirka Dib u dajinta Mudane Cali Siciid Raygal oo soo gunaanaday Xafladaasi ayaa ku dheeraaday Cilmiga Diinta iyo qiimaha uu leeyhay, Waxaanu ardayda qalin-jabisay u sheegay in Cilmigu aanu dhamaaneen .
Ugu Danbayn Wasiirku waxaa uu Shahaado-sharaf Gudoonsiiyay Ardaydii Dhamaysatay Machadkaasi Imaamu Bukhaari .