Saddexda Murashax Ee Codka Inaga Doonaya,Keebaa Aqoonsi Buuxa U Keeni Kara Jamhuuriyada Somaliland?
W/Q Maxamed Dahir Axmed
Jamhuuriyada Somaliland waxa ay laga soo bilaabo 1991 raadinaysay in ay hesho aqoonsi buuxa,kana mid noqoto dawladaha la ictraafsanyahay ee caalamka,balse intaa mudahaba kumay guulaysan in ay hesho aqoonsi buuxa (De-Jure Recognition),inkastoo ay samaysay waxyaalo badan oo dawladnimada u shardi ah sida lacag u gaar ah,xuduud caymin,dad cayiman,amaan,doorashooyin iyo kala danbayn taasi oo sababta in loo tixgaliyo xaqiiqo jirto (De-facto recognition).
Bulshada Somalialnd 26 sanno waxa mudnaanta koowaad u ahaa in dawladooda si buuxda loo aqoonsado,taasi oo ay tirsanayaan in aan sidii loogu baahnaa aanay u hagarbixin ragii talada dalka iskaga danbeeyay inkastoo ay kala dadaal badnaayeen marka aqoonsi raadinta laga hadlayo.
Maanta bulshada caalamku waxa ay ku soo riixday qadiyada Jamhuuriyada Somaliland mid u taala iyaga iyo dalka ay kala go’een ee Soomaliya. Wadahadalo dhawr oo hore u dhacayna waxa natiija ahi kamay soo bixin,waxana la rajaynayaaa in ay wadahadaladaasi dib u bilowdaan.
Hadaba suaashi waxa ay tahay saddexda murashax ee codka inaga doonaya,keebaa aqoonsi buuxa u keeni kara Jamhuuriayda Somaliland,dariiqu doono ha u maree?.Jawaabta su’aashani waxa ay ku xidhantahay in la eego barnaamij siyaasadeedka saddexda Xisbi iyo sida ay qadiyada gooni isu taagu u kala dheertahay saddexda Murashaxa,waayo marka aad eegto barnaamij siyaasadeedkooda saddexduba waxa ay balanqaadayaan in ay Somaliland ictiraaf buuxa u keenayaan,balse halka lagu kala saari karaa waa ka daacad ahaanshaha qadiyada Somaliland,ay ka daacad yihiin saddexda murashaxa qadiyada gooni isutaaga Jamhuuriayda Somaliland?
1.Murashaxa Waddani
Mudane Cabdiraxman Cirro dadaaladii gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland kama qayb ahayn,haday ahayd halgankii hubaysnaa,iyo dadaaladii dalka dib loogu dhisayayba,kama qayb qaadan shirarkii dib u heshiisiiyinta iyo hub ka dhigista ee dhibta iyo hawsha badnaa. Sidaa daraadeed way yar tahay dadaalka ka galay Jamhuuriyad Somaliland marka loo eego labada murashax ee kale. Dadka qaar baa waxa ay ku andacoodaan in uu Cabdiraxman diblomaasi yahay,balse waxa la isku raacay waxa doontaba ahow,waxa ka xaasil ah sida aad u aaminsantahay qadiyada aad iibgaynayso,oo hadii aanad si buuxda u aaminsanayn qadiyada gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland way adkaanaysaa iibgaynteedu.
Ta kale caalamkii waa kan wadahadla yidhi inaga iyo Soomaliya,Cabdiraxman Cirro in uu wadahadaladaa inoo matalo dad badan ayaa warwar ka qaba,waayo ninka imika Xamar ka taliya hore ayay Nairobi ugu wada shireen,kuna heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan midnamadii lagu hungoobay.Ta kale Farmaajo oo ka aflaxay madarasadii Siyaad barre ma aha nin aynu ka horgayn karo nin gudoon jilicsan sida Murashaxa Waddani oo kale.
2.Murashaxa Kulmiye
Murashaxa Kulmiye Somaliland ayuu cimgrigiisa galiyay sida ay kuu sheegayaan dadka Somaliland u xogagaalka ahi,waanu la soo kifaaxay haday halgankii hubaysnaa tahay,kii dawladnimada lagu dhisyay tahay,iyo waliba haday tahay kii geedi socodka dimoquraadiyada Jamhuuriayd Somaliland lagu unkayay. Balse dhinaca kale qaar baa yidhaa waa nin milatari ah,balse kuwaa waxa ka maqan diblomaasiyada iyo xidhiidhka caalamku in uu laba shay ku dhisan yahay wakhti xaadirkan,kuwaasi oo ah dano amni iyo dano dhaqaale (Security and Economic interest).
Maanta,Qadiyada Somaliland waxa lagu iibin karaa sida sii jiritaanka amaankeega iyo in ay hesho aqoonsi caalami ahi iskugu xidhan yihiin,iyo waliba sida amaanka Somaliland saamayn togan iyo mid tabanba ugu leeyahay amaanka Geeska Africa,Bariga dhexe iyo amaanka caalamka guud ahaan.
Xaga wadahadalada Somaliland iyo Soomaliya,waxa la ii xaqiijiyay Moqdisho iyo madaxdeedu in ay ku ducaystaan in aanu Murashaxa Kulmiye Mudane Muse Bixi Cabdi ku soo bixin,iyagoo ka warwarsan in aanay ka dabaalanaynin doodiisa,badheedhihiisa,iyo kalsoonidiisa in laga midho dhalin karo qadiyada gooni isu taaga Jamhuuriyad Somaliland.
3.Murashaxa Ucid
Murashaxa Ucid dadka yaqaanaa waxa ay sheegeen in uu jecelyahay Somaliland,kagana adadag yahay Murashaxa Waddani,balse waxa ay ku dureen waa isbadbadal badan yahay.
Guntii iyo gabagabadii waxa aan ilaahay ka barayayaa in uu bulshadan masaakiinta ah u dooro nin ka shaqeeya dantood dhaw iyo ta fogba.
W/Q Maxamed Dahir Axmed