Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ka mid ah saraakiisha Xisbiga KULMIYE ayaa Maanta Lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargaysa .
Waxaana soo dhawayntiisa ka qeyb qaatay masuuliyiin isugu jiraa, Xubno ka mid ah Xisbiga KULMIYE, Xildhibaanno, Haween iyo Dadwayne Kale .
Waxaanay Dhamaantood halkaasi ka yidhaahdeen ereyo soo dhawayn ah, iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin imaanshiyaha Jamaal Cali Xuseen .
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad-naqay dadwaynihii soo dhaweeyay, waxaanu sheegay in uu safarkiisu ku koobnaa nasasho .
Waxaanu sheegay in uu qaadan doono kaadhka codaynta, isla markaana uu codayn doono .