Mar kasta oo doorashadu soo dhawaato waxa muhim ah in la kala xusho murashaxiinta tartanka ugu jira madaxtinimada. Sidaa awgeed, waxa habboon in qof waliba is-wayddiiyo masiirkiisa cidda ay tahay in uu ku aamino. Somaliland waxa ku soo aaddan doorasho qabsoomaysa saddexda bilood ee inagu soo fool leh, waxa tartanka ugu adag uu dhexmarayaa labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, wallow anigu aan is leeyahay sidaa uma sii cusla, hadda na bay’ada uu ku salaysanyahay tartanku ayaa ka dhigaysa mid aad u adag. Marakan oo kale, codbixiye kasta waxa saaran in uu qiimeeyo musharraxa uu codka siin lahaa, kaas oo qaadaya masiirkiisa iyo masiirka umadda uu la noolyahay, si aadan haddaba codkaaga uga murugoon, akhriste ila eeg 7 qodob oo u muhim ah in laga helo hoggaamiye walba, kaas oo aan ku arkay Muuse Biixi, kaga na duwanyahay dhiggiisa kale ee Cabdiraxmaan Maxamed, mana aha colaad, se waa qiimayn, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waa guddoomiyaheena golaha wakiillada, waxa uu hayaa dhadhaar ka mid ah saddexda dhadhaar ee qarankani ku taaganyahay, waana hoggaanka xisbi qaran oo mucaarid ah, markaa qiimayntan kuma salaysna colaad iyo xumaan, se waa waxa iiga muuqday Muuse Biixi in uu uga duwanyahay kagana habboonyahay Cirro. Saddex qormo oo taxane ah ayaa akhriste igu la qiimayn doontaa aragtidan, oo aan qabo caaddifad in ayna ku salaysnayn, se ay xilkasnimo ku fadhido.
- Aragti (Vision),aragtidu waa waxa dadku wax ku wadaagi karaan, waxna lagu kala xulan karo, waa tiir udub-dhexaad u ah tilmaamaha laga rabo hoggaamiyuhu in uu yeesho, waxa aan odhan karaana waa furaha koobaad ee ay tahay in laga eego hoggaamiyaha. Kol haddii ay sidaa tahay waxa aynnu taagannahay xaalad ay tahay in hore looga socdo, jidka hadda la taaganyahayna uu leeyahay faraaro badan, kii saxda ahaana lagu qaadi karo haddii aynnu doorano hoggaamiye leh aragti toolmoon oo aqoon iyo xilkasnimo leh. Aragtiduna waa in ay muuqaal ay ka bixin kartaa mustaqbalku sida uu u eegaan karo, iyada oo la raacinayo sidii halkaa lagu gaadhi lahaa, sidaa daraaddeed hoggaamiyaha marxaladdan hadda inaga saari karaa waa in uu ahaado hoggaamiye aragti cad oo xiiso leh haya, aragtidaas oo ah halka uu wax ku hoggaaminayo iyo waxa uu rabo in uu ka midho-dhaliyo, fikirka hoggaamineed eebaahida hadda la qabo wax ka beddali karaa waa in uu wataa qorshe sax ah oo qoran.
Tan iyo markii qarankan la yagleelay ma uu noqon mid hay’adihii dowladnimo sidii la rabay ama qaran ku noqon lahaa qaran u dhisan, balse ahaa muuqaal hadda u baahan in ruux lagu shubo, si hay’ad kasta oo dowladeed u noqoto mid dammaanad qaata baahida uu qof kastaa qabo, isaga oo aan marti uga ahayn caaqil ama reer. Taas si loo helo, akhriste waxa aad ila aragtay mar kasta oo Muuse Biixi bulshada la hadlayo in uu soo bandhigo aragtiyaha uu hayo ee dalku u baahan yahay, in baahiyihiisa wax la gaga qabto, waxa ka mid waxbarashada, taas oo kobcinaysa garaadka bulshada, rugnina u ah horumar bulsho gaadho, waxa uu Muuse aad uga hadlay qaabka ay tahay in loo tayeeyo tacliinta. Waxa kale oo muhim ah marka horumar dal laga hadlayo dhaqaalaha, kaas oo Muuse ka hadlay qaabka loo kobcin karo dhaqaalaha si loo yareeyo shaqo la’aanta, meel kasta oo uu joogo, waxa uu ka sheegay in sharci la sameeyo, kaas oo kala hagaya bulshada wax isku darsata, muhimna ay tahay lacagta xaddiga lahayn ee seesaska iyo guryaha lagu kaydiyey in laga shaqaysiiyo, taasina si ay ku suuragasho in uu samayn doono sharcigii umaddu isku aamini lahayd, kuna kala bixi lahayd.Waxa uu musharraxu aad uga hadlay arrimaha waxsoosaarka,oo ah sidii loo dhiirrigalin lahaa beeralayda, loona heli lahaa siidhkii Inorganic ahaa, kaas oo hadda noqday mid sii dabargo’aya. In la sameeyo warshado yaryar oo lagu farsameeo waxsoosaarka dalka, oo wax badan oo dibadda inooga yimaad lacag adagna inaga ga bixi jirtay laga ga kaaftoomo. Sidii jaadka oo aafo qaran noqday dalkan dhaqaale aan xad lahayn oo laga oomanyahayna inaga ga baxo loo yarayn lahaa, inta siyaasad cad laga yeeshana Itoobiya aynnu kaga beddalan lahayn waxsoosaarka dalkeena, sida kalluunka iyo milixda.Dhismaha ciidamada oo muhiimad weyn u leh qaranka Iyana in la sameeyo, oo ciidanka laga dhiso tababarka, isgaadhsiinta iyo qalabka.
Iyada oo barnaamijka xisbiga Kulmiye qeexayo siyaabaha looga midho-dhalin karo hiraalka waxqabad ee Muuse Biixi, hadda na Muuse maaha qof buugga waxa ku qoran maskaxdana ku sidan.
Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ahaa guddoomiyihii ugu muddada dheeraa golaha wakiillada, waxa uu fadhiyey muddo 12 sanno ah, shan ka mid ah doorasho ayuu ku yimid, 7 ka mid ahna waxa uu ku fadhiyey muddo kordhin, muddada intaa leeg waxa golaha wakiillada u qabsoomay akhriste sida buugga golaha lagu sheegay 35 xeer in la ansixiyey, 27 ka mid ah waxa soo diyaarisay xukuumadda. Codbixye haddii aad ila aragtay 12 sanno in 7 xeer la diyaariyey, hadda na Cirro waa musharraxa madaxtinimada 5 sanno ee soo socota, maxaad ka filan kartaa? Inta uu safarada xisbiga uu ku jiray, kuna rabay in uu kasbado dadweynaha ma ay dhicin isaga oo ina la wadaagay aragtiyaha siyaasadeed ee uu dalkan ku maamuli doono. Intaa uu safarada marayey marna bulshada lama uu wadaagin waxa uu kaga duwanyahay musharraxiinta kale, xitaa barnaamijka xisbiga Waddai u degsan in uuna ka warhayn ayaa kuu muuqanaysa. Waxa Cirro kaaga muuqanaya hadda in ayna ka go’nayn ama uuna hayn hilinkii horumar umadda lagu gaadhsiin lahaa. Waxyaabaha yaabka badan ee waliba codbixiye jira ayaa ka mid ah in guddoomiye Cirro isaga oo maraya miyiga gobalka Daadmadheedh uu bulshada u sheegay in ay Internetka ka doontaan barnaamijka xisbiga, isagu waa tahliwaayey in uu la wadaago waxa buugga ku qoran, kamana fikirin sidii ay dadkani ku heli lahaayeen adeega uu leeyahay kala soo baxa barnaamijka xisbiga. Halkaa waxa iiga cad guddoomiyaheenu in uuna ka warhayn waxa buugga ku duugan.
- Ku-dhac/geesinimo (Courage), qorshaha siyaasadeed ee uu hoggaamiye degsadaa waxa uu u baahanyahay fulin, fulintuna waxaka hor imanaya qodxo badan, qodxahaasina waxa lagu dhaafi karaa ku-dhac in la yeesho, sidaa darteed, Muuse Biixi inta aan ka arkay ama la inooga sheegay maaha nin yoolka u degsan uga waabta hebello ayaa kaaga cadhoon, ama ma aha mid lagu abuuri karo cabsi ka joojin karta gaadhista yoolka. Maaha kab qof waliba xidho oo lagu lumiyo hirgalinta yoolka dadkani u baahanyahay, waa hoggaamiye ka badheedhi kara khatar kasta oo ay leedahay jidka loo marayo ka-mdiho-dhalinta yoolkiisa waxqabad.
La soco qaybaha dambe
Xuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)