“labadaas nin ee aanu ilmaadeerka nahay [Muuse & Feysal] waxaan leeyahay wixii qadaf ahaa ee hadalkaygaas ku jiray ka raalli ahaada, Waana ballan hadal dembe oo arrintaas ku saabsan inaan dibla iiga maqli doonin”. Siyaasi Cali Dool Axmed Cali Qoryooley.
Hadalka hore uga soo yeedhay Siyaasigan ee uu hadda xaalka ka bixinayo ayaa ku saabsanaa dhaliilo uu guddoomiyeyaasha labada xisbi ee KULMIYe iyo UCID k duray kuwaas oo uu kaga dayriyey mustaqbalka Somaliland haddii shacbigu codkooda siiyaan, taas bedelkeedana uu Somaliland u wanaagsan yahay Xisbiga WADDANI oo uu sheegay in uu usharraxanyahay Murashax ilko-qabow.
Dhaliilahan iyo xogwaranka uu amuurtaasi kaga hadlay Cali Qoryoollay ayaa kamid ahaa oo waraysi dhawaan magaallada Hargeysa uu kula yeeshay Tifaftiraha guud ee warbaahinta TOGAHERER Media Cabdiwahaab Jannagale, waraysigaasi oo muuqaal ahna halkan hoose ka daawo:
Kanina Waa Qaybtii Faysal Cali Warabe