W/Q: Kadim Ali.
Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Allaha inagu maamusay nimcooyinka ammniga iyo iimaanka. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dawladda xilka haysa sida ay ugu heelan tahay ilaalinta ammniga iyo walaaltinimada bulshada.
Waxa heerka waxqabad ee dawladii leedahay ka warama wakhtiga. Sidaa darteed dhammadka wakhtiga dawladani waxa uu cadayn doonaa heerka u gaadhsiisnaa waxqabadkeedu.
Maqaaladan waxaynu ku soo qaadan doonaa sidee lagu qiyaasaa waxqabad dawlad, waa kuma hogaamiyaha wanaagsani, calaamado lagu garto xilkasnimada hogaamiye inta uu xilka hayo , iyo buugga ololuhu sidee aynu inooga cawin karaa doorashada hogaamiye?
Maqaalkanina waa mid la xidhiidha doorashada ay dhawrka bilood inaga xigaan haddi EEBE idmo.
Ugu horayn maxay Dawladdi?
“Dawladnimadu waa wax ay wada leeyihiin dadka maanta jooga iyo ka dhalanaya ilaa maalinta qiyaamaha. Taas ayaa ah dawladnimada aynu doonayno”.
( #sheekh_Adan_Siiro)
*Sidee lagu ogaadaa ama lagu qiyaasaa waxqabadka dawladdi leedahay?
Marka aynu doonayno in aynu ogaano waxqabadka dawlad waxa aynu ku garan karnaa siyaabo kala duwan oo ay tani ka mid tahay.
“Dawlad ama xadaarad waa in lagu qiimeeyo sida ay ula dhaqanto una horumarayso dadka cida awooda haysa ka fog ha ahaato fogaansho qabiileed, dhaqaaleed, iyo diimeed ….. Laakinse aan lagu qiimayn sida ay uga faaideen dadkii xaalkoodu wanaagsanaa markii hore ama kuwa ka ag dhaw cida xilka iyo awoodu gacanta ugu jirto”.
(Hadalka#LARRY_BRILLIANT guddomiyaha #The_skoll_global_threats_Fund.Waxaan ka soo qaatay buuga #Focus DANIEL GOLEMAN)
Qeexidan waxa ku sugan suaalo iyo tusaalooyin ay ka mid yihiin:
1-Sidee ayay xaalada dadka faqriga ku sugnaa isu bedeshay , hoygoodii, dhaqaalahoodi iyo, caafimaadkoodii kor ma u kacay , caruurtoodii waxbarasho iyo shaqooyin tayo leh ma heleen, cashuurtii ay bixin jireen baahiyahoodii ma dabooleen , ama waddanka horumar ma lagu gaadhsiiyay?
2-Qabiilada dalku si siman horumarka dalku ma u gaadhay , mise qabiilada xilka haya ama kuwa ka ag dhaw ayaa si gaara u faaiday?
Waxa cad in marka loo fiirsado xaalada waddanka inuu uu qarka u saaran yahay in uu noqdo laba dabaqadood. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in laga hortago arrintaas oo ummada cadaalad lagu dhaqo. Waayo taasi waxay keeni kartaa dhibaatooyin farabadan oo ay ka mid tahay dhaca oo bata, ammni xumo iyo in ay samayn ku yeelato wada noolanshihii bulshada.
Waxaana astaan u ah dawlad daacad ah in ay si siman uga faaidaan bulshada ku nool goobtaas khayraadka iyo adeegyada oo dhan. Balse dawladaheena waxa astaan u noqday in ay ka faaidan dad gaar ah kuwaas oo ah inta ka ag dhaw markasta cida xilka haysa. Hadalka LARRY BRILLIANT runtii waa mid lagu qiyaasi karo waxqabad dawlad.
*Waa kuwa hogaamiye wanaagsan?
Hogaamiyaha wanaagsani waa ka bulsho u horseeda in ay ku noolaato nolol ka wanaagsan tii ay ku noolaayeen hogaamiyahaa ka hor. Sidoo darteed hogaamiyaha aynu u baahan nahay waa in uu noqdo mid uu waxqabadkiisu astaan u yahay hogaamintiisa.
Ummad aqoon iyo karti leh marka ay dooranayso cid ha ahaado madaxwayne , wasiir , ama macalin, IWM. Waxa ay ku doortaan laba sifo: Hawlkarnimo iyo daacadnimo. Labadaas oo aad moodo agteena in ayna mudnaan ku lahayn. Marka aynu ka nimaadno ummadaha horumaray quraanka kariimka ah ayay ku qoran yihiin labadaas qodob (QASAS 26).
Labadaas qodobi waa laba astaamood oo haddi aynu ku dhaqano aynu gaadhi karno ama dhaafi karno ummadaha horumaray. Waayo ummad kasta oo caalamka caan ku noqotay horumar iyo barwaaqo waxa ay ku gaadhay in shaqooyinka noockasta ha noqdaane, uu qabanayo qofkii ku haboona isaga oo aan u baahnayn dabagal iyo qasbid toona.
Waxyaabaha aynu caanka ku noqonay waxa ka mid ah in xilalkii mustaqbalka ummada saamaynta wayn ku lahaa aynu u dhiibayno dad aan aqoonteedii lahayn, walibana garanayn ama aanay ka guuxayn nafahooda culayska ay leedahay ammaanada loo igmaday. Taas oo sabab u noqonaysa in ay ku fushaan danahooda gaarka ah. Waxaana halkaas ku dayacmaya danihii ummada. Sidaa awgeed ilaa aynu dareemayno macnayaasha lagu gaadho horumarka oo aynu ka dareemayno qalbiga way adkaanaysaa in aynu isbedel loo aayo helno.
Dhibaatooyinka inaga hortaagan arrintaasna waxa ka mid ah aqoon darro , iyo waliba aqoon aan raad la taaban karin soo kordhinayn. Taasi waa laba sababood oo ka mid ah waxyaabaha keenay in aynu ka yeelno qabyaalada halbeega lagu maareeyo nolosheena oo dhan . Natiijada aynu ka dhaxalnayna ay noqotay inagoo oo noqonay Ummad kitaabkoodii ka jeesatay, Dimuqraadiyaday u ordaysayna ka curyaantay.
*Maxaa ka mid ah astaamaha hogaamiyaha wanaagsan inta uu xilka hayo?
Dawlad horumarkeed waxa uu ku xidhan yahay kolba heerka ay taagan tahay cadaalada u dhaxaysa hogaamiyaha iyo bulshadiisa , iyo waliba heerka ay cadaaladu ka taagan tahay bulshada dhexdeeda. Sidaa darteed dawlad aan dadkeedu u sinayn oo qofwalba xaqiisii oo dhamaystiran helayn , waa mid horumarkeedu curyaamayo.
Hogaamiye dawladeed oo waxqabad leh waxa lagu gartaa astaamo ay ka mid yihiin : Ka warqabka xaaladaha bulshada ee kala duwan iyo latashiga inta aqoonta iyo khibrada leh.
1- Ka warqabka xaalka bulshadu iyo in uu ku bedelo xaaladaha ay ku sugnaayeen wakhtigaa uu xilka qabtay xaalado ka wanaagsan , waa hawsha koowaad ee uu hogaamiye tahay in uu qabto. Tusaale ahaan ogaanshaha adeega caafimaadka oo liita meelaha miyiga. Dadadeetana uu ku dadaalo kor u qaadista tayada adeegaa caafimaad.
2- In uu la tashado kana yeelo cida la shaqaysa dadka aqoonta iyo khibrada u leh xaaladaha kala duwan ee bulshada ku geedaaman. Tusaale ahaan sicir bararka ka jira dalka wakhtigan waxa uu markaati cad u yahay sida aan loo tixgalin soo jeedintii dadkii aqoonta u lahaa sidii sicir bararka looga bixi lahaa. Walibana aynu ka dheehan karno in xilkaa loo dhiibay cid aan ka soo bixi karin.
Hogaamiyaha cadaalad ku dhex maamula bulshadiisa , kuna dadaala inuu ka warhayo xaaladahooda lana tashadana. Waa hogaamiye ay ka dhabtahay horumarinta bulshadiisa.
*Doorashada dawlad iyada oo loo eegayo barnaamijka waxqabad ee ay ku galayso ololaha.
Waxa jira hab kale oo wax loo doorto kaas oo xoojinaya qodobadii hore. Marka aynu rabno dawlad daacadnimo iyo hawlkarnimo leh. Kuna dadaasha inay ka yeesho dadka iyo dalkaba kuwa ka wanaagsan sidii ay ugu timi. Waa in aynu iska hubinaa.
Buuga ololaha ee balanqaadkuna waa mid aynu ka arki karno waxa u qorshaysan xisbi in uu qabto , sidoo kalena kula xisaabtami karno. Waa haddii uu leeyahay xisbigaasi!
Sidoo kalena habkani waa halbeeg lagu qiyaaso horumarka dal. Habka loo isticmaalayaana waa in aynu isbarbardhigno qorshayaasha xisbiyada uga dejisan arrimahan hoos ku xusan. Dabadeeto aynu doorano ka aynu is leenahay waa uu inoo wanaagsanyahay adduun iyo aakhiroba. waxaan ka bixin doonaa mid kasta dhawr tusaale.
1- Tacliinta.
-Xisbigani maxaa uga qorshaysan sidii ay dadka oo dhami ugu yaraan u heli lahaayeen waxbarasho aasaasi ah?
-Sidee buu doonayaa inuu kor ugu qaado tayada waxbarashada xisbigani?
-Macalinka ilaalinta xuquuqdiisa , dhiirigalintiisa,kobcinta iyo kordhinta gunadiisa,aqoontiisa iyo xirfadiisa maxaa uga qorshaysan xisbigaa?
2- Caafimaadka.
-Ma doonayaa xisbigani inuu hirgaliyo adeeg caafimaad oo dhammaystiran magaalo iyo miyiba, sidee ayuuna ku hirgalinayaa?
-Maxaa uga qorshaysan kor u qaadista tayada, baabinta musuqa iyo qiimaha qaaliga ah ee caafimaadka?
3-Shaqada.
-Siduu buu doonayaa xisbigani inuu ku yareeyo shaqo la,aanta baahsan?
-Maxaa uga qorshaysan ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo sugnaanta shaqada ee shaqaalaha?
(job security)
4-Kaabayaasha dhaqaale.
-Maxaa uga qorshaysan dhisida iyo horumarinta wadooyinka caasimada iyo waddoyinka waddanka oo dhan si dhaqaaluhu u koro, isu socodka bulshaduna u fududaado?
5-Ganacsiga.
-Xisbigan maxaa uga qorshaysan si uu u horumariyo ganacsiga noocyadiisa kala duwan iyo dhiirigalinta ganacsiga iyo ganacsatada?
6- Tamarta iyo deegaanka.
-Maxaa uga qorshaysan laydhkan qiimahiisu yahay kuwa ugu qaalisan adduunka ?
-Ma doonaya xisbigaasi inuu sameeyo ama dhiirigaliyo samaynta tamarta dabiiciga ah sida cadceeda?
-Maxaa uga qorshaysan qashinka caasimada foolxumeeyay , caafimaadkana waxyeelaya waddanka oo dhan?
-Xagguu ka taagan yahay xisbigani beerista dhirta aynu xaalufinay ee abaaraha keentay?
-Musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha maxaa uga qorshaysan?
7-Cashuurta.
-Sidee aynu xisbigani kaga qaadayaa cashuurta dadka oo dhan , waayo in yar ayaa imika bixisa?
-Sidee aynu ku damaanad qaadayaa in bulshada wax loogu qabanayo cashuurta laga qaadayo?
-Muxuu ku qabanayaa cashuurta?
8- Dadka hawlgabka ah.
-Maxaa uu u diyaariyay xisbigani dadka hawlgabka ah?
9- Ciidamada.
-Ciidamada maxaa uu xisbigani u diyaariyay ee uu ku dhiirigalinayaa?
-Ciidanka xuquuqdooda sidee aynu ku ilaalinayaa?
10- siyaasada dibada iyo gudaha.
Ammaanka waddanka xisbigani ma ka dadaalayaa adkayntiisa?
-Qabyaalada ma ka dheeraanayaa xisbigani , dadkana walaaltinimadooda ma ilaalinayaa?
-Ictiraaf xisbigani sidee inagu gaadhsiinayaa?
11-Diinta
-Diinteena islaamka xisbigani ma inoo ilaalinayaa?
-Barashada iyo ku dhaqanka diinta sidee ayay u dhiirigalinayaa?
(Akhriste suaalaha iyo qodobaduba way ka badnaan karaan intan.Laakin intani waa tusaalayaal).
Dhammanteen bulshada kaalin ayaynu kaga jirna. Sidaa darteed qofkasta waa inuu qiimeeyo kaalintaa uu ku sugan yahay cidii waxtar iyo horumarin u diyaarisay. Tusaale ahaan ardaygu waa in uu doorto cida uu is leeyahay waxbarashadaada ayay horumar u keenaysaa. Qaybaha kale ee bulshaduna sidaas oo kale waa in ay u qiimayso.
Ugu dambayntii maqaalkani waxa uu ka hadlayay:
1-Sidii aynu uga faaidaysan lahayn nimcada ALLE ina siiyay oo ah fursada aynu u helnay doorashada cid ina maamusha, nimcadaas oo la ina waydiin doono maalinta qiyaamaha haddii aynu sida ugu wanaagsan uga faaidaysan wayno.
2- Sidii lagu heli lahaa hogaamiye iyo dawlad dhista ummad la hiigsado iyo dhul lagu soo hirto.
Waxaanan filayaa in maqaalkani uu inaga caawin doono sidii aynu u heli lahayn hogaamiye iyo dawlad loo aayo.
DHAMMAAD.