Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta warbaahinta u waramay, ayaa ayyiday Gudoomiyannimada Baashe Maxamed Faarax ee Golaha Wakiilada .
Waxaanu sheegay in Go’aankii ka soo baxay Golaha Wakiilada, Iyo kii Maxkamadda sare ay raacsanyihiin, isla markaana Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu yahay Baashe Maxamed Faarax .
Gudoomiyuhu waxaa uu intaasi ku daray in haddii Golaha Wakiiladu uu dhamaysan kari waayo muranka dhexdooda ah, in makaasi lala eegi doono .