Xaaji Noor wuxuu sheegay in wiilkiisa kaliya ee uu dhalay in badan shaqeeyay sannado badan si uu u keydiyo lacag uu ku geeyo Xajka, sida waxa sheegay Xaji Noor .Xaajigu wuxuu guursaday markuu ahaa 20 jir, laakiin wiilkiisa wuxuu dhashay markii uu ku dhawaaday 60. “Waxa i taabtay Dhibaatooyinka nolosha se marnaba ma rajo dhigin inaan maalin uun Xajo,” ayuu yidhi.
Markuu wiilkiisi koray fahmayna riyadiisa, wuxuu balan qaaday inuu isaga iyo hooyadiis u geyn doono xajka Wax kastay ku kacdoba.
“Wiilkeygu ballan-qaadkiisa si uu u fuliyo, wuxuu si adag u shaqeeyay sanadahan oo dhan si uu u kaydiyo lacag ,lacagtaas oo awood i siinaysa inaan imaado Xajka,” ayuu yidhi.
Laakiinse Xaaji Noor xaaskiisa waxay dhimatay shan sano ka hor. “Haddii ay noolaan lahayd muddo sanado ah, Ilaahayna lacag i siiyo, waxaan geyn lahaa Xajka,” ayuu yidhi.
“Waxa kaliya ee warwarka igu hayaa waa in aan imid Xajka iyada oo aanay ila Xajin Xaaskaygi maadama oo aan muddo iyo sanado badan aanu riyada Xajka Wada Qabnay” ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyey Xaaji Noor.