Waxa Faafay Fiidyaw naxdin leh oo ku saabsan sarkaal booliis ah oo ku sugan gobolka Georgia ee Dalka Maraykanka oo gabadh uu u joojiyey xadgudub dhinaca Waddo Marista ah ku leh in bilaysku kaliya dilo Dadka madow.
Askariga Bilayska ah ayaa soo muuqanaya Isaga oo gabadha uu joojiyey ku leh “Ma tihid madow, waxaan kaliya dilnaa dadka madow,” ka dib markii ay muujisay cabsi ay ka qabto booliska iyada oo la duubay cod iyo sawir ba markii uu Askarigani falka ku kacayay .
Sida laga soo xigtay wargayska Telegraph, taliyaha bilayska gobolka ayaa sheegay in askarigaa bilayska ah shaqadii ka eryay.
Wakaaladaha wararka ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in askariga falka ku kacay uu yahay Greg Abbott, oo leh 20 sano oo waayo-aragnimo bilays.
Warqabadka ToggaHerer