Lahore Talabani oo ah Masuul ka Mukhaabaraadka iyo Amaanka ee gobolka Kurdistan, ayaa sheegay in Abu Bakr al-Baghdadi, hoggaamiyaha Daacish oo qorshaynayo weerarro xidhiidh ah oo argagixiso kana geysto Europe isaga oo kaga aargoosanaya guul darrada soo gaadhay ururkiisa.
Sida ay qortay Wargeyska The Telegraph, ayaa waxay ka soo xigtay sarkaalka Kurdishka ah in kaas oo ku tilmaamay qorsheyaasha Baqdaadi qaar adag isagoo intaa ku daray in weerarada diirada ku saaryo in ay noqdaan qaar aan caadi ahayn looguna talagalay kor u qaadka niyadda ururka ka dib markii ay guuldarrooyin isdaba joog ah ee Mosul ,Raqa iyo meelo kaleba.
Talabani ayaa ka digay khatarta dhalashada kooxo cusub oo argagixiso oo ka dhasha Ciraaq mudada ay maqan tahay hirgelinta dib-u-habeeyn siyaasadeed.
Sarkaalkan ayaa Waraysi uu Siiyay Wareyska Mar uu Booqday London Ku sheegay in luminta qaybo badan oo dalalka Ciraaq iyo Suuriya ee Kooxda Daacish macnaheedu ahayn dhamaadka Daacish.
Talabani ayaa ku celiyay kuna adkeysanayo in Al Baqdaadi weli nool yahay iskuna Qarinayo meelaha cidlada ah ee soohdimaha Suuriya iyo Ciraaq. Wuxuuna sheegay in Baqdaadi doonayo in uu fuliyo weeraro cusub oo argagixiso ah oo lagu bartilmaameedsanayo Ingiriiska iyo dalalka kale ee reer galbeedka.
Warqabadka ToggaHerer