Wararka ka Imanaya Ciraaq ayaa sheegay in Golaha Baarlamaanka Ciraaq Fadhi ay isugu yimaadeen Maanta oo Salaasa ah ay ku diideen aftida gobolka Kurdistan.
“Golaha Wakiilladu waxa ay u codeeyeen aqlabiyad fadhiga maanta si ay u diidaan aftida gobolka Kurdistan Se Xildhibaanada Kurdiyiinta kaga jiraa ma aysan codeynin” Ayuu yidhi Ruux Magaciisa Qariyey Sababo Xaga amaanka ah.
Waxa uu intaa ku daray “Baarlamanku wuxuu Faray ra’iisul-wasaaraha in uu qaado dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo midnimada Ciraaq isla markaana bilaabo wadahadal si wax looga qabto arrimaha ka dhaxeeya Ciraaq iyo gobolka.”
Waxaa xusid mudan in xisbiyada Kurdida ay ku dhawaaqeen kulan la qabtay 7 June 2017 Aqalka looga arramiyo Kurdistan Gudoominayana madaxweynaha gobolka Kurdistan Massoud Barzani in Sebteembar 25 la qabto aftida madaxbanaanida Gobolka uu ka qaadanayo Ciraaq Inteeda kale laakiin go’aanka waxaa diiday qaar ka mid ah dalal badan sida United States of America, Turkey, Britain iyo Iran.
Warqabadka ToggaHerer