Ciidamada amniga ee Turkiga ayaa sameyey howlgal gaar ah oo lagu xidhay 63 qof oo ay ku jiraan 45 shaqaalihii hore ee sirdoonka dalka Turkiga, iyadoo lagu tuhunsan yahay xidhiidh ay la leeyihiim Fathallah Gulen.
Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa ka soo xigatay illo amaan sida ay sheegtay Maanta oo Salaasa in hawlgalku uu ka dhacay 21 Gobol oo Turkiga ah.
Tuhmanayaasha ayaa hore looga eryay sir-doonka Turkiga iyada oo qayb ka ah hannaanka nadiifinta hay’adaha dawladda ka dib markii la isku dayey afduubka.
16kii July 2016-kii ee la isku dayay Afgambiga militari ee Turkiga iyo Iskudhacyadii ugu weynaa ee ka dhacay Ankara iyo Istanbul halkaas oo ay ku dhinteen 240 Turki kuna dhaawacmeen in ka badan 2,000 intii aanu fashilmin afgambigu .
Sidoo kale Dhacdadaa ayaa Turkiga loogu xidhay in ka badan 50,000 oo qof waxaana in ka badan 140,000 shaqaale dawladeed ah laga eryay shaqadii.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa ku eedeeyay ururka Fatahullah Gulen masuuliyad Afgambiga laakiin Gulen oo hadda ku nool Maraykanka ayaa cambaareeyay dhacdooyinkaas iskana diiday dhammaan eedeeymaha.
Waqabadka ToggaHerer