Madaxweynaha Kurdistan-ta Ciraaq Massoud Barzani ayaa ballan-qaaday in uu horay u sii wadi doono aftida ku aadan madax-bannaanida Kurdistan Aftida na Qaban Doono 25-kii September, inkastoo uu ka codeeyay baarlamaanka Ciraaq.
Golaha Wakiilada Ciraaq ayaa Salaasadii Diiday aftida ku saabsan madaxbannaanida gobolka Kurdistan, Fadhigaas oo ay ka baxeen xildhibaannada ka soo jeeda Kurdiga.
Afhayeenka Baarlamaanka Ciraaq Salim Jubouri ayaa sheegay in go’aanka Baarlamaanka uu ka turjumayo “ujeedada Golaha Wakiilada ee ku saabsan midnimada Ciraaq dhul iyo shacab ba ,” ayuu ku nuuxnuuxsaday “waajibka Ra’iisul wasaaraha waa in uu qaado dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinaayo midnimada Ciraaq bilaabana wada hadal culus si wax looga qabto arrimaha ka dhex taagan Ciraaq iyo gobolka.”
Warqabadka ToggaHerer