Saldanada Cumaan ayaa ku dhawaaqday in ay ku guuleysteen Soo Daynta wadaad Vatican ah oo afduub loogu Haystay Yemen iyada oo ay kala shaqeeyeen mas’uuliyiin Yemeni ahi.
Hay’adda wararka ee Cumaan ee ONA ayaa werisay in wadaadka Tom Ozonani ee afduubka loo haystay codsi uga yimid xukuumadda Vatican-ga Saladanda Cumaan ay ku hawlgaleen.
Waxayna xaqiijisay in lagu soo wareejiyay subaxnimadii Salaasada, lana keenay caasimadda Muscat si loogu celiyo Dalkiisi. faahfaahin intaa ka dheer na lama bixin.
Wakaaladuna waxay sheegtay in Tom Ozonani uu u mahadceliyay Sultan Qaboos bin bin Said
“Wuxu kale oo u mahadnaqay walaalihii iyo dhammaan qaraabada iyo asxaabtii ugu duceeyey Nabadgalyo iyo sii deynta,” ayuu yidhi Ozonani.
Cumaan may sheegin Cida uu u afduubnaa Tom Ozunani.
Xarunta warfaafinta ee Hay’adda Agaasinka Raadiyaha iyo Telefishanka ee Camaan, ayaa tidhi “Suldanada Cumaan waxay ku guulaystay inay soo dayso mid ka mid ah wadaaddadii lagu Haystay Yemen,” iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Warqabadka ToggaHerer