Nin Chinese ah ayaa Ayaa Daa`imay Xidhashada Dharka haweenka muddo ka badan 20 sano si uu u caawiyo hooyadiisii waayeelka ah oo la il daran xanuunnada maskaxda ka dib dhimashadii Walaashiis.
Calaamadaha cudurka maskaxda Hooyaday waxaan ka dareemay isla markii geeridii gabadheeda, taasaa keentay in aan qaato go’aan ii gaar ah wuxuu bilaabay inuu xidho dharkii walaashiis waxaanu isku dayey inuu hooyadii ka farxiyo.
“Markii ugu horreysay ee aan xidho dharka dumarka hooyadey aad ayay u faraxday sidaas ayaan u sii waday” ayuu yidhi. “Tan iyo markaas waxaan ku noolaa sidii dumar ah, mana haysto dharka Raga hadda,” ayuu Raaciyey
Mar la waydiiyay waxay dadku ku yidhaahdaan marka lagu arko dharka dumarka Wuxuu Yidhi aniga Hamigayga oo dhami waa Daryeelka ,Sacaadada iyo Farxada hooyaday taasaana igala weyn wax kasta .
Inkasta oo hooyadeed ay dhibaatooyin nafsaani ah haysato, haddana waa miyir qabtaa oo si buuxda uga mahadcelineysa waxa wiilkeedu uu qabanayay labaatankii sano ee la soo dhaafay. Waxaad maqalaysaa iyada oo leh, “Waa Inantaydii, markay Inantaydii kale dhimatay, wuxuu noqday Inantaydii.”
Warqabadka ToggaHerer
Daawo Cajalka Koowaad
Daawo Cajalka labaad