IOM : 2,550 Tahriibayaal ah ayaa ku Dhintey Badda Celcelis ahaan Sannadkii 2017

IOM ayaa sheegtay in ka badan Laba kun oo qaxooti ah ayaa naftooda ku waayeen isku Daygoodii ahaa in ay mar uun  Yurub Gaadhaan iyagoo ka gudbaya Mediterranean ka, tan iyo bilowgii sanadkan halka 130 kun u suurtagashay in ay gaadhaan qaarada Yurub isla muddadaas.

Waxa uu sheegay Afhayeenka  Joel Millman  in laba kun iyo 550  qaxooti ahi ku dhinteen isku daygooda inay u gudbaan Yurub guud ahaan Mediterranean ka, inta lagu guda jiro sideed bilood ee sanadka,halka 14 kun iyo 200 oo kalena lagu badbaadiyey xeebaha dalka Liibiya isla muddadaas.

Hadal qoraal ah oo ka socoda Xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva, Switzerland, Melman ayaa xusay in inta badan ee qaxootiga ahi ka yimaadeen Dalalka Nigeria, Guinea iyo Bangladesh.

Toddoba bilood ee ugu horreeya sannadkii hore ayaa waxa ka gudbay  11,404 qaxooti xeebaha Turkiga ilaa xeebaha Giriigga, halka tiradaasi hoos ugu dhacday isla muddadaa sanadkan ilaa 5,000 iyo 900 qaxooti, sida ay sheegay ururku.

Tan iyo bilawgii 2017, wadarta guud ahaan 100,000 iyo 325 qaxooti ah ayaa gaadhay xeebta Talyaaniga, Waxayna  hoos uga dhacday 23%  isla muddadaa sanadkii hore, ayuu yidhi afhayeenku.

 Sida laga soo xigtey ururka, 128,863 qaxooti ayaa horeyba ugu gaadhay qaarada Yurub, laga bilaabo bilawgii Janaayo 2017 ilaa Sebtembar 13, marka la barbardhigo 300,000 isla xilligaas sannadkii hore.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso