12 qof oo rayid ah Oo ku dhintay weerar ay u badan tahay in ay Qaadeen isbahaysiga carabta ee Yemen

Waxa lagu dilay 12 rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur weerar dhinaca Cirka oo ay ka geysteen isbaheysiga carabta gobolka Marib ee waqooyiga Sanca.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay AFP in weerarkaasi uu ahaa mid aad u xoogan lana beegsaday Gaadhi Rakaab ayna saarnaayeen 12 Ruux oo ay ka mid ahaayeen Caruur iyo Haween Weerarkuna ka dhacay Degmada Harib Qaramish ee gobolka Marib oo 70 kiiloomitir waqooyi bari Sanca kaga beegan.

Isbahaysiga carabta oo uu hogaaminayey Sacuudi Carabiya oo taageeraya xukuumadda Abed Rabbo Mansour Hadi ayaa la kulka dhaleecayn iyo cambaareyn joogto ah iyaga oo gala qaladaad soo noqnoqda oo ka dhasha weerarada cirka ah ee ay qaadaan taas oo keenta Dhimashada Dadka Rayidka ah.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha Amir Zeid bin Raad al-Hussein ayaa sheegay Isniintii in hay’adda caalamiga ahi ay xaqiijisay geerida 5144 qof oo rayid ah oo ku dhintay dagaalka Yemen, kuwaas oo intooda badan ay ku dhinteen Duqaymaha xaga Cirka ee isbahaysiga carabta oo uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya.

Yaman ayuu ka socdaa Dagaal galaaftay nolosha in ka badan tobanaan kun oo qof Dagaalkaas oo laba sano iyo badh jirsaday, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay.

Warqbadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso