Qadar oo 24 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Typhoon ka iibsatay Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhiga ee Qatar ayaa saxiixay warqad ujeedadiisu tahay inay Qatar iibsato 24 diyaaradood oo ah kuwa Dagaalka Noocooduna yahay Typhoon Waxayna ka Iibsanayasaa Shirkadda British-ka ee BAE Systems.

Wakaaladda wararka Qatar QNA ayaa ku Sheegtay Heshiiska “Heshiiskan ujeedadiisu waxaa ka mid ah in la iibsado 24 diyaaradood oo casri ah oo leh qalabkiisa oo dhan,”.

Heshiiska ayaa waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Qadar Khalid bin Mohammed al-Attiyah iyo dhigiisa British ah Michael Fallon.

Wasaaradda difaaca ee Britain ayaa dhinaceeda ka sheegtay “Tani waxay noqon doontaa heshiiskii ugu balaadhnaa ee milatari oo ay la gasho Qatar, Qatar oo ah mid ka mid ah Xulafada istiraatiijiga ah ee Britain,” wuxuuna intaa raaciyay in wadahadalada heshiiskan la galay uu socday sannado badan.

“Waxaan sidoo kale rajeyneynaa in tani ay xoojin doonto ammaanka gobolka, iyada oo loo marayo dhammaan Xulafada Gacanka,” bayaanka ayaa intaa ku daray.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso