Wadaad-kii Kiristaanka ahaa ee Dhawaan Laga Sii Daayay Yemen oo u Mahad celiyey Kuwii Afduubtay

Wadaadkii Kiristaanka ahaa una dhashay Hindiya laguna afduubtay Yemen sannadkii 2016 lana sii daayay Salaasadii isaga oo afduubnaa muddo 18 bilood ayaa u mahadceliyey dadkii ka qayb galay sii deyntiisa iyo kuwii afduubtay ba, isaga oo sheegay in aysan si xun ula dhaqmin.

“Hubka ugu fiican ee cadawgaaga aad u Isticmaali kartaa waa jacayl iyo Salaadda,” Sidaa Waxa Yidhi Thomas Oznalil ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Rome Wuxuuna sheegay intii uu Afduubnaa in uu ku dhacay cudurka sonkortu.

Wadaadka Hindiya ayaa la afduubtay bishii March ee sannadkii 2016-kii ka dib weerar lagu qaaday xarun lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah Magaalada Caden weerarkaas oo ay ku dhinteen 16 qof, oo ay ku jiraan afar Haween Baadariyayaal ah kana tirsana xarunta “Mother Teresa”, cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasina May jirin.

“Waxba kamaan Garanayn Way i Nabadgeliyeen kuwii kalena Way Dileen Malaha Waxay Doonayeen Lacag,” ayuu yidhi Thomas Thomas.

“Waxay iga Tuureen Gaadhiga Ma aanan baqan,” ayuu yidhi waxaan u mahadcelinayaa India iyo Oman.

Wadaadkan Hindiya waxa sabab u ahaa sii deyntiisa Oman oo xidhiidh wanaagsan la leh dhammaan dhinacyada isku haya dagaalka Yemen sanadihii ugu dambeeyayna waxay awoodeen in ay sii daayaan ajaanib badan.

“Waxaan u mahadnaqayaa Kuwii I Afduubtay kuwii I Ilaalinayay Wax Dhib ah iimay Geysan Waanay i Ixtiraameen,” ayuu raaciyay.

“Waxay igu yidhaahdeen Markaad xor noqoto oo aad dib ugu noqoto waddankaaga, akhri Quraanka kaddibna diinta Islaamka Qaado Waxay igu lahaayeen iyaga oo farta kor u taagaya waxaa jira hal Illaah oo keliya.”

Wadaadkan Kiritsaan ka ah ayaa Sheegay inuusan garanaynin Kuwii Afduubtay Sidoo kale na aanu war u hayn in la bixiyay madaxfurasho si loo sii daayo.

Thomas ayaa shaqada ka bilaabay Yaman sannadkii 2012 halkaas oo uu ka masuulka ahaa saddex kaniisadood iyo bulshada Katoolika ee Yemen iyo muhaajiriinta ka yimid Filibiin, India iyo Sri Lanka.

Pope Francis ayaa lagu Qaabilay Arbacadii Vatican-ka ka dibna Wuxuu ku laaban doonaa Hindiya marka uu maro baadhitaan caafimaad oo ballaadhan oo loogu sameeyn doono Rome.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso