Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Masaajida oo ka dhacay Barcelona

Tobanaan Dad ah ayaa maalintii Shalay isugu soo ururay Barcelona si ay uga mudaaharaadaan dhismaha masaajidyada cusub ee magaalada.

Waxa Soo kordhaya hadalada nacaybka ah dalka  Spain ka dib markii weerarro isku mid ah lagu qaaday magaalooyinka Barcelona iyo Cambrils, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof.

Qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha ayaa ka cabsi qaba in weerarradu ay qayb ka noqon karaan bulshada Muslimiinta ah burburtana kalsoonida qaybaha bulshada Isbaanishka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso