Snap Chat oo Ka Xayirtay Shabakada Al-Jazeera Wadanka Sucuudiga!!

Shabakadda arrimaha bulshada ee Snap Chat ayaa xannibtay gelitaanka shabakada Al Jazeera ee Dalka Sacuudi Carabiya.

Snap Chat ayaa sheegay in xukuumadda Sucuudigu ay waydiisatay inay xakameeyaan xanibaana waxyaabaha ku jira shabakada Maadama oo ay ku xad gudbeen sharciyada maxaliga ah.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar ayaa jaray xidhiidhkii Qatar horaantii, iyaga oo ku dhaleeceeyay taageerada argagixisanimada, Laakiin Doha ayaa beenisay eedeyntaas.

Kooxaha xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda warbaahinta ayaa sheegaya in Sacuudi Carabiya uu ka mid yahay dalalka ugu xaddidan adduunka.

Sacuudi Carabiya ayaa ah mid ka mid ah dalalka ugu badan ee xooga looga isticmaalo Baraha bulshada Mandaqada Bariga Dhexe.

“Waxaannu ku dadaalaynaa in aan u hoggaansano sharciyada maxalliga ah ee waddamada aan ka shaqeyno,” ayuu yihdi afhayeenka Snap Chat.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso