“Waanu Baabiin Doonaa Waqooyiga Kuuriya , Irana Waa Diktaatooriyad Musqumaasuq ah“Trump oo Hanjabaad U Diray Waqooyiga Kuuriya iyo Iran.


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa digniin culus u jeediyay North Korea Khudbad uu ka jeediyey  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
“Maraykanku waxa uu leeyahay xoog badan iyo sabir, laakiin haddii xulufadeenu ay halis galaan, Waanu Baabiin doona Baabiis Dhamaystiran North Korea,” ayuu yidhi Trump.
Trump ayaa sidoo kale weeraray Iran kuna sheegay  “Kali-talisnimo musuq-maasuq” taas oo qasaysa Bariga Dhexe.

Waxaanu  ugu baaqay xukuumadda Tehran in ay joojiso taageerada “argagixisada” waxaanu mar kale dhaleeceeyay heshiiskii ay gaadheen maamulkii madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran  isaga oo ku sheegay wax laga khajilo.

Geesta kale wuxuu ku sheegay in xukuumadda Iran ay ku socotay “dhimasho iyo burbur”, halka dadkuna ay rabaan isbedel.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso