Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu deeqday $ 10 milyan oo doollar ah si ay uga qayb qaadato tirtirida Dhibaatadii ay reebtay Duufaanta Erma Gobolka Florida, sidaana waxa sheegay Wargeyska The National ee ka soo baxa UAE.
“Imaaraadka Carabta waxay la jiraan dadka reer Florida ee ay saameysay Duufaanta Erma,” ayuu yidh Safiirka UAE ee Mareykanka Yousef Al Otaiba.
Lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu maalgaliyo dhismayaasha meelaha ugu daran ee gobolka.
Duufaanta “Erma”, oo ah duufaantii ugu xooganayd Atlantic Ocean tobankii sano ee ugu dambeeyay ugu yaraan 20 qof ayaa ku waayay noloshooda.
Warqabadka ToggaHerer