Wakiilka Shirkadda gaasta Suuriya ee Deir al-Zour Amin al-Hamid ayaa sheegay in inta badan saliidaha iyo gaasta gobolka Deir al-Zour ay wali gacanta ku hayaan ururka Daacish ee argagixisada.
Mar uu waramayay Wargeyska Ruushka ah ee “Novosti,” “Daacish waxay haystaa a in ka badan 80% goobaha saliidda ee Deir al-Zour halka Ceelasha Gaasta ku dhowaad ama dhammaanba ay xukumaan argagixisadu.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ceelka kaliya ee saliida ah ee ay maamulaan dawladu Deir al-Zour uu yahay Ceelka Altim, Ceelkan ayaa soo Saara Maalintii inta u dhaxaysa 200 ilaa 300 foosto .
Hamid ayaa sheegay in xagjiriintu “si ula kac ah ayay u burburiyeen badankood oo kaabayaasha ku yaalla goobaha waaweyn ee gaaska ee Deir al-Zour.”
Wuxuu intaa ku daray in ragga hubeeysan ay qarxiyeen dhuumaha gaaska ee koonfur bari ee Deir al-Zour, oo ka yimid Conoco ilaa Homs.
“Ceelasha Conoco waxay soo saari kartaa qiyaastii 2 malyan Oo Litter waana Ceelasha ugu weyn Deir al-Zour Waana Ceelka saddexaad ee ugu weyn Suuriya kahor dagaal, dib u dhiska kaabayaasha dhulka ayaa suurta gal ah, laakiin qiimeynta dhaawaca lama sameyn karo ka hor intaan la booqan goobahan, “Ayuu yidhi.
Al-Hamid wuxuu sheegay in xoraynta Ceelasha gaaska ee Deir al-Zour iyo dib-u-dhiska kaabayaasheeda ay kaalin weyn ka ciyaari karaan sii socodka korantada ee dadweynaha oo dhan ee Suuriya.
Warqabadka ToggaHerer