Ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in mid ka mid ah askartiisa oo Qayb ka ah isbaheysiga Mareykanka ee la dagaalamaya ururka Daacish lagu dilay dagaal ka dhacay xudduudka u dhaxeeya Ciraaq iyo Suuriya.
Ilaa 1200 oo ciidamo ah ayaa ka qeyb qaadanaya hawlgal ciidan oo Faransiis ah ee ka socda Ciraaq iyo Suuriya. Hawlgalkaas oo ka bilaabmay Ciraaq 2014 waxaana la ballaadhiyay laguna daray Syria
2015.
Howlgalkan ayaa taageeraya ciidamada maxalliga ah ee la dagaalama ururka xagjirka ah inta badan iyada oo laga taageerayoo Xaga Duqaymo cirka ah iyo tababaro.
Ciidamada ayaa sheegay in askari la toogtay mar uu la talin siinayay Ciidamada maxalliga ah ee dagaalka ka dhanka ah wada Daacish.
Madaxtooyada Faransiiska Ayaa hadal ay soo saartay Ku sheegtay in Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macaron Dhimashada Askarigan ka warqabo Kana Murugsan yahay..
Warqabadka ToggaHerer