BAAQ NABADEED ADHICADEEYE IYO XISBIGA MUJAAHIDIINTA (KULMIYE)

Xalay saqdii dhexe ayaa waxa la ii sheegay in ay gobolka soo galeen mujaahidiin uu hogaaminayo askari ka tirsanaa jabhaddii SNM oo hadda lagu sheegay oday beeleed dallacay waa cali guray gii TV yada taagnaaye
subaxnimadii hore lagusoo kallahay degmada adhicadeeye oo nabad ah

Waxaana isla markiiba laga kiciyay xiisad iyo qaylo hor leh

Waxaa jirtay in aanu ka xisbiga waddani ahaan muddo dheer ku hawlanayn isdhexgalka nabadaynta iyo is aaminaad dhex marta dadka deegaanka waxaanuna ku guulaysanay in dadka reer adhicadeeye dantooda ka wada shaqeeyaan kala xidhnaantiina aanu halkaa ku burburinay

Sidaad ogtihiin adhicadeeye waa degmo qulqulado badan soo martay loona tirinjiray arrimo siyaasadeed iyo dano kale in laga leeyahay oo aan u tudhin danta dadka iyo deegaanka

Xisibiga mujaahidiintu u malayn maayo toban askari oo isdaba taagani in ay samo nooga talinayaan
Muuse cali guray iyo ina kaahin ninka hargeisa afarta u qaybiyay nabadda adhicadeeye u daba fadhiisan mayno!

Xisbiga mujaahidiinta anagoo ixtiraamayna u na baahan loolan hufan oo ka dheer qabyaalad iyo kala qoqob oo na dhexmara waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka digtoonaadaan faro gelinta arrimaha u rahmanaa muddada dheer.

Waxaan shacabka adhicadeeye iyo guud ahaan gobolka sool ugu baaqayaa “Aayaha caruurteena ka iibinmayno askariga maskaxdiisu la qabsatay sanqadha rasaasta iyo qalalaasaha deganaansho la’aanta.

Dadka adhicadeeye iyo guud ahaan gobolka sool wuxuu ka tashaday deldelaaddii ay u laalaadeen muddada dheer waxayna raacdeen aayahooda oo ay ka arkeen xisbiga nabadda iyo isbeddelka WADDANI NATIONAL PARTY

Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa xisbiga kulmiye in uu ka fiirsado xiisadaha iyo khilaafka colaadeed ee uu ka wado degmada adhicadeeye

WQ: Abdijibaar Aaden
Madaxa ololaha Degmada
Adhicadeeye sool

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso