Gudaha Ka Eeg : Azerbaijan oo xaqiijisay Dhimashada 300 oo muwaadiniinteeda ah oo  ku biiray Daacish!!!

Med hat Gulayev madaxa  amniga qaranka ee dalka Azerbaijan ayaa sheegay in sirdoonka Azerbaijan ay xaqiijiyeen war ku saabsan dilka 300 muwaadiniin Azerbaijanan ah intii lagu jiray hawlgalladii argagixiso la dagaalanka ee Ciraaq.

“Waxaan helnay macluumaad ku saabsan dilka 300 muwaadiniin oo Azerbaijan ah, sidaas darteed waxaannu u dirnay shaqaalaheenna Ciraaq waxayna hadda joogaan si loo xaqiijiyo xogtan,” ayuu yidhi Guliev.

Muwaadiniinta reer Azerbaijan ee lagu khiyaameeyay dacaayad inay ku biiraan ururka argagixisada Daacish, qoysaskooda hore ayay ka sii qaateen oo ay ku jiraan carruur yaryar waxayna la tageen goobaha dagaalka Waxaa jira xitaa macluumaad ku saabsan dhimashada  carruurta dhexdooda.

Wuxuu sheegay in  sir-doonka  ka socda Azerbaijan uu xidhay 85 qof oo ku biiray ururkan argagixisada ah.

“In ka badan 900 oo muwaadiniin ah oo Azerbaijan ah ayaa ku biiray ururka argagixisada (tan iyo bilawgii colaadaha iyo falalka rabshadaha ee Bariga Dhexe) Waxaana jira hadda 85 ka mid ah xabsiga  ku jira” ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in muwaadinimada ama Dhalashada  Azerbaijan ay kala noqdeen 195 qof oo ka qayb qaatay hawlgallada dagaalka ee ay wadaan ururrada argagixisada.
Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso