In ka badan 34,000 oo qof ayaa ku barokacay degaanka kudhow galbeedka Indonesia ee jasiiradda caanka ah ee Bali iyada oo ay ka cabsi qabaan Qaraxa Volcano jasiiradda markii ugu horreysay muddo ka badan 50 sano sida ay sheegeen masuuliyiintu.
Tirada ay ku dhawaaqeen Ciidamada Howlgallada Degdegga ah Axaddii ayaa sheegay in ka badan laba jeer tirada qiyaasta hore la filaayo waxaa jira dad ka tagay jasiiradda si ikhtiyaari ah, iyo sidoo kale kuwa amar lagu bixiyay inay ka baxaan aagga 9 ilaa 12 kiiloomitir agagaarka Buurta Agung Mountain.
Masuuliyiintu waxay sare u qaadeen heerka digniinta ku saabsan volcano ilaa heerkii ugu sarreeyay ee jimcihii hore ka dib markii ay Kordhay, Koradh Siyaado ah Dhaqdhaqaaqa Gariirku.
Dhacdadii ugu danbaysay ee Fulkaanaha Aghong waxaa uu ahaa 1963 kaas oo keenay dhimashada kun iyo boqol qof.
Warqabadka ToggaHerer