Gudaha Ka Eeg : India Waxay Pakistan u aragtaa “warshad laga dhoofiyo argagixisada” Wasiirka Arrimaha Dibadda India Sushma Swaraj

Wasiirka Arrimaha Dibadda India Sushma Swaraj ayaa  dhaleeceeysay Pakistan iyada oo sheegtay in deriskeeda uu soo saaro “argagixisada” adduunka, halka India ay soo saarto dhakhaatiir iyo injineerada heerka koowaad.

“Sababtoo ah Hindiya maanta waa hey’ad awood leh oo caalami ah oo la aqoonsan yahay caalamka , Pakistanna waxa loo aqoonsanaya oo keliya  dhoofiyaha muhiimka ah ee argagixisada ?” Waxayna  hadalkaa ka  jeedisay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan soo saarnay saynisyahanno, dhakhaatiir iyo injineernimo, maxaad soo saartay? Waxaad soo saartaan Argagaxiso.”

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shahid Khakan Abbasi ayaa horey ugu eedeeyay Hindiya in ay tahay “xoog weyn oo aan kala sooc lahayn” Mar uu ka hadlay Xaalada Kashmir.

Xidhiidhka u dhexeeya Hindiya iyo Pakistaan ayaa dhawaanahan Wanaagsanayn  Marka la eego gaar ahaan Xaalada Kashmir.

 

Labada dowladood ee nukliyarka  ayaa hore u  dagaallamey saddex goor  tan iyo markii ay xornimadooda ka qaateen Ingiriiska 1947.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso