Jeneraal Ruusha oo Lagu Dilay Duqayn Hoobiye oo ay Geysteen Kooxda Daacish


Waxa Lagu dilay Duqeyn ay geysteen Kooxda Daacish Jeneraal Ruush ah , Duqeyntan ayaa ka dhacday  Deir al-Zour bariga Suuriya sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka Ruushka.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa Tidhi ” Waxa la dilay General Valery Assapov duqeyn hoobiye lama filaan ah oo ay soo rideen Kooxda Daacish iyagoo farta ku fiiqaya in sarkaalka la dilay uu ahaa talo bixiye military siiya Ciidamada Suuriya.

Waxay intaa ku dareen in sarkaalku joogay xarunta taliska ciidamada Assad isagoo caawinayay saraakiisha taliska Suuriya kana caawinayay Hawlgallada iyo xoreynta Der_alzor.

Gobolka Deir EZ-Zor waa goobaha u dambeeya ee ay gacanta ugu jira xubno ka tirsan xag-jirka ka dagaalamaya Suuriya, waxaana ku socda laba weerar oo kala ah: ciidamada Suuriya oo dhul iyo Bari ba ay ka taageerayaan Ciidamada Ruushku iyo Qolada kale oo ah ciidamada Suuriyada Dimuqaaradiga ah oo ay taageerayaan isbahaysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah Daacish hogaaminaysona Washington.

Faragelinta millatariga Ruushka ee Suuriya ayaa bilaabmatay Sebtembar 2015 si loo caawiyo ciidamada Bashaar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso