Larijani oo ku Sifeeyey  Trump inuu yahay Beenaale Lana Mid Yahay  Goebbels iyo agaasimee Madadaalo!!

 

Cali Larijani oo ah afhayeenka baarlamaanka Iran ayaa ku sheegay Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump in uu yahay beenaale waxaanu ku sheegay in u raacay iskuulkii Nazi ee Joseph Goebbels Kaas oo beenaale ahaa  isaga qudhiisuna rumaystay beentii uu sheegayay.

“Waxay u muuqataa in Trump uu raacayo caqiidadii Beentii Goebbels,” Isagoo tixraacaya ereyada wasiirka Nazi-ga ee ahayd “Waxa kaliya ee aad sameysaa waa marar dhowr ah ood ku celiso , kadibna waad rumaysan doontaa” ayuu Larajani ka Yidhi Baarlamaanka.

Habdhaqanka Trump wuxuu la mid yahay habdhaqanka Goebbels wasiirkii dacaayada ee dawladdii Hogaamiyihii Nazi Adolf Hitler.

Larijani ayaa ku eedeeyay Trump in uu  faafinayo been abuur badan intii lagu jiray hadalkiisa ka soo horjeeday Iran ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo intaa ku daray in mid ka mid ah hadaladiisuu uu kaga  hadlayey dimuqraadiyadda Iran.

“Luqadii Khudbada Trump waxay ku siinaysaa aragti ah in yahay mulkiilaha Meelaha Madadaalada   halkii uu ka ahaan lahaa madaxweynaha maraykanka, ayuu yidhi Larijani.

Larijani waxa uu sheegay in uu aaminsanayay yahay in Trump inuu nool yahay 1970-yadii waxaana uu sheegay in dunidu ay isbedeshay, laakiin Trump aanu  ogeyn.

Larijani ayaa ku soo gabagabeeyay hadalkiisa isagoo sheegay in Iran aysan ahayn dowlad uu hogaamiyo Maraykan , Iran waa dawlad madaxbannaan oo aan cidna u ogolaanin in ay u sheegto waxa uu doonayo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso