Gudaha Ka Eeg : Markii ugu horaysay  Iran oo Badhtamaha Tehran ku Soo Bandhigtay Gantaalka  S-300 oo ay Iyadu Samaysay

Markii ugu horraysay  Iran ayaa soo bandhigtay  Sawaariikhda S-200 iyo S-300 kuwaas oo lagu farsameeyey Wadanka gudihiisa Badhtamaha  Tehran.

Wakaaladda wararka ee Mashreq News ayaa soo sawirtay  sawirrada gantaalada loo soo bandhigay Dadweynaha  barxadda Bohistan oo u dhow Guriga baarlamaanka.

Tallaabadani ayaa looga gol leeyahay dhoolatus  xurgufta sii kordhaysa ee u dhexeysa Iran iyo Maraykanka, iyo  heshiiskii Nukliyar ka ee u dhexeeya Iran iyo kooxda 5 + 1 oo u dhaw burbur.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cambaareeyay Tehran Bandhigii gantaal-ka  ridada dheer ee Khorramshahr  isagoo sheegay in tani ay shaki ku siyaadinayso qiimaha heshiiska.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso