Tacsi Tiiranyo leh. Waxa habeenimadkii khamiista ee taariikhdu ahayd 21/9 2017 lagu dilay Adam Elmi Jama

Tacsi Tiiranyo leh.
Waxa habeenimadkii khamiista ee taariikhdu ahayd 21/9 2017 lagu dilay Adam Elmi Jama oo aha askari ka tirsan ciidanka Polis ka Jamhuuriyada Somaliland.
Adam Elmi wuxuu ahaa (Aaabay anigoo ah Mohammed Adam Elmi) , waxaan tacsi u dirayaa dhamaan familka, ehelka , qaraabada iyo asxaaba iyo waliba dhamaan dadka muuqa iyo magacayaga garanaya.
Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa shacabka Somaliland ee uu ku dhintay isagoo shaqo dawladeed ku jira iyo dalka difaaciisa.
Adam Elmi Jama waxa lagu dilay magaalada laascaanood , waxana dishay gacan ka qaxdaran, hadaba waxaanu ka codsanaynaa dhamaan shacabka Somaliland iyo gaar ahaanba shacabka Laascaanood inay ka caawiyaan ciidanka amniga iyo odayaasha ka shaqaynaya arinkaa dilka ahaa ee ka dhacay magalada laascaanood uu ku dhintay Adam Elmi Jama, ninkii gaystay oo si xornima ah ku dhex jooga Laascaanood.
Waxa sidoo kale fariin gaara u dirayaa hogaanka amniga ciidanka polis ka Somaliland in uu arinkaa sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabto.
Somaliland waa dad isku tagay , waa beelo dhistay Jamhuuriyada Somaliland , nabada, amniga iyo wada noolaanshaha Somaliland ku jirto maanta.
Si nabada iyo amniga aynu ku noolay loogu wada noolaado, taliya waa inaad cadaalada horkeentaa gacan ku dhiiglaha dilka gaystay.
Hadii aad wax ka ogtay ama maqashay sidii ninkaa gacan ku dhiig laha ahaa sharciga loo hor keeni lahaa lasoo xidhiidh ugu horayn polis ka Somaliland , Magaalo madaxda Hargeysa.

Qalinkii : Mohammed Adam Elmi
Email : Dude1437@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso