Waxaynu Nahay Umad Aan Wali Helin Hogaan Sax Ah Balse Ay Ooteen Danaystayaal Aan Lahayn Aragti Qaran Oo Caafimad Qabta

Dalkan Somaliland oo ah dal marti caalamka uga ah muddo 26 sanno ah sidii ay u heli lahaayeen xaqooda ay u leeyiin inla ictiraafo  ayaa waxa nasiib daro labaad ku noqotay oo aan wali u suurtoobin inay helaan hogaan sax ah oo daacad ah oo ku haga rabitaanka umada isla markaana garta manhajka  umadani rabto ee lagu horumarinkaro  iyadoo hogaan kasta oo yimaada ku guul daraysto inuu ixtiraamo xeerarka iyo sharciga dalka u yaala  taasna ay keento inay lumiso midnimada umada iyo horumarka aynu rabno  waxaana madaxda iyo hogaanka aynu doorano markasta ay bilaabaan danaysi ina dhaxal siiya nolo iyo duruufo adag oo aan shacabku qaadi karayn waxaanay taasi ku timaadaa marka shacakani ay wax dooranayaan ayaan waxba loo dooran hanaanka saxda ah iyadoo isteerinka aynu ku hawlgalnaa marwalba ay qabyaalad tahay iyo nin jeclaysi iyadoo dadka hogaanka wadanka loo dooranayaana aanay ahayn dad leh intijaah siyaasi ah iyo himilooyin cad cad oo qeexan  iyagoon marnaba ku shaqaynayn rabitaanka shacabkooda doortay dadka doorashada qaldan aynu kusoo saarnay marka ay hogaanka yimaadaan waxay bilaabaan inay danaystaan ama qaab dadka ay isku aragtida yihiin ama ay qaraabada yihiin ay waxtaraan iyagoo aan u dhaxayn umada dooratay waxaanay somalidu tidhaahdaa hal booli ahi madhasho nirig xalaala,xaaladi marka ay halkaa marayso ee layna khiyaameeyo xiliga doorashada hadaynu shacabkii nahay waxa ina gasha kalsooni daro ayu maamulka u qadno kadib doorashada marka lagu shaqeeyo siyaasad khaldan oo danaysi waxa dhici jirtay xukumadihii somaliya inaad aragto nin raisal wasare noqday ama wasiir noqday oo aan wadanka laba qol ku lahayn maxaa yeelay waxay ka xishoonayeen inay hantida umada wax ka qabsadaan laakiin manta suurta gal matahay nin wasiir ah oo dhaqaalihii umada maamulaya oo aan guri kulahayn wadanka iskaba daa wadankee yurub iyo maraykan ayaa hantida umada guryo lagaga dhistaa

Hadaba dhibta manta ugu way nee umada haysataa waa qabyaalad aan hore inoo wadayn hadii umada qayb qaybta kasaarno kana dhabayno hanaanka isla xisaabtanaka iyo rabitaanka  tartanka furan ee siyaasadeed runtii taasi waa aalada dhabta ah ee umada horumar gaadhsiin karata

Hadaba gebagebadii anoon hadalka badinay s/land waxay ubaahantahay xiligan oo doorashadii kaabiga inasoo saaratay inaynu helno hogaamiye aa kadanaysanayn shacabkiisa kalsooni iyo karti leh go,aanadana u qaadanaya sida xeerarka iyo sharciga dalka u yaala ay qabaan islamarkaana noqda hogaamiye dhagaysta qaatana dhaleecaynta togan ee shacabkiisa isla markaana ka jawaaba baahida umadiisa dooratay waana inuu noqdaa hogaamiyaha aynu dooranaynaa mid dejin kara xaaladaha gudo iyo dibad ee wadankiisa hogaamiye layimaada maamul wanaag dulmiga iyo cadaalad darada ladagaalama

Shacabka waliba waxan leeyahay waa inaynu iswaydiinaa baahida aynu qabno cida ka jawaabaysa hadaynaan nolosheena jeexan oo aynaan cida wax inoo qabanaysa dooran in nin faralaga qaad ah oo afmiishaar ah oo aan damiir lahayn ayaa kuu goyn cida kumaamulaysa balanteenuna waa aynu iska hubino musharaxiinta saddexda xisbi cida hogaanka uhagoogan cida ay tahay madaxda ladooranayaana alle haka baqdaan hadaan umadani xisaabinay alle ayaa xisaabinaya

Wabillaahi Tawfiiq

Abdulkadir Farlow Xaashi

Title:     Falanqeeye arimaha siyaasada.

E-mail.  Xaashi74@gmail.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso