Gudaha Ka Eeg :Dhallinyarada iyo Aqoonyahanka Beesha Abokor Muuse (Ciidagale) oo Taageero u Muujiyey Xisbiga KULMIYE

Dhallinyarada, aqoonyahanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Abokor Muuse oo kamid ah beelweynta Ciidagale, ayaa si rasmi ah u muujisay cududooda taageero ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Munaasibad ay dhallnyarada, aqoonyahanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beeshani ku muujinayso taageerada ay KULMIYE u hayaan oo xalay lagu qabtay hutel Gacalle ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen hormoodka iyo haldoorka beesha iyo xubno xilal muhiim ah ka haya xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiiru-dawlaha wasaaradda Biyaha Md.Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Muxumed (Dhego-weyne), xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, xildhibaan Axmed Siyaad Muxumed, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, maareeye ku-xigeenka wakaallada Biyaha Hargeysa, dhallinyaro, aqoonyahan, haween iyo marti-sharaf tiro badan, ayaa lagu shaaciyey inay beeshani si rasmi ah u taageersan tahay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Xubnihii madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u shaaciyey inay beel ahaan ka siman yihiin taageerada xisbiga KULMIYE, isla markaana ay codkooda si hagar la’aan ah u siin doonaan murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ugu tartamaya xisbiga KULMIYE.
Haldoorka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Abokor Muuse oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay xidhiidhka ma guuraanka ah ee beesha iyo xisbiga KULMIYE u dhexeeya, waxana ay murrashaxiinta xisbiga ugu bushaareeyeen inay codkooda iyo taageeradoodaba ku xisaabtamaan.
Wasiiru-dawlaha wasaaradda Biyaha Md.Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Muxumed oo isagu soo abaabulay munaaswibadda taageerada ah, isla markaana safka hore kaga jira dedaalka loogu jiro sidii uu xisbiga KULMIYE markale talada dalka ugu guulaysan lahaa oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inay beel ahaan ka midaysan yihiin taageerada KULMIYE.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo kamid ah mudaneyaasha xisbiga KULMIYE ugu jira aqalka golaha wakiillada, ayaa isaguna sheegay inuu xisbiga KULMIYE taageero ballaadhan ku dhex leeyahay beesha Abokor Muuse, kuwaas oo dhalin kara guul uu xisbiga KULMIYE gaadho.
Taageerada ay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta beesha Abokor Muuse u muujiyeen xisbiga KULMIYE, ayaa kusoo beegantay xilli ay waxgaradka beelo badan oo reer Somaliland ahi sidan oo kale u muujiyeen taageerada ay KULMIYE u hayaan, waxana ay tallaabadani ka marag kacaysaa sida uu xisbigu kaabiga ugu hayo inuu guul ballaadhan kassoo hooyo doorashooyinka soo socda.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso