Lamaane Dad-Cuna oo lagu Qabtay Magaalada Krasnodar ee Ruushka  Sabab na ay U Noqotay Qabashadoodu ka dib Markii ay iska Qaadeen Sawiro Selfie!!

Booliska magaalada Krasnodar ee dalka Ruushka ayaa xidhay nin iyo xaaskiisa oo lagu tuhunsan yahay in ay dileen ilaa 30 qof ayna cuneen hilibkooda,Kadib markii laga helay sawir ay iskaga qaadeen taleefankooda gacanta oo dambiilaha ka lumay.

War ay soo saareen Hay`ada Danbi Baadhista Ruushka Isniintii ayay ku sheegtay Nin 35 jir ah ayaa gaystay denbigiisii ugu xumaa 8-dii Sebtembar Markii isaga iyo xaaskiisa ay dileen haweeney ka dib markii muran ka dhex dhacay iyaga u dhaxeeya iyaga oo sakhraan dhul laga guuray u dhow magaalada ka dibna dambiilaha ayaa googooyay jidhka dhibbanaha isaga oo qayb ka mid ah jidhkeeda ka tagay halka intii kale u qaatay gurigiisa.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dambiilayaashu ay sameeyeen qaladaad halis ah waxay iska qaadeen Sawiro Selfie ah iyaga oo iskaga qaaday telefoonkiisa gacanta isaga oo afkiisa ku sita Gacanta dhibbanaha, maalmo kadib muwaadiniin ayaa helay taleefan lumay wadada magaalada waxayna u geeyeen bilayska.

War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in baadhayaashu ay heleen isla markiibana la xidhay lamaanaha, gurigoodana laga helay qaybo ka mid ah jidhka bini’aadamka, marka lagu daro hilib barafaysan oo aan wali la ogaan wuxuu yahay.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ka soo xigatay ilo xogogaal ah oo baadhitaan iyaga oo sheegay in tani aysan aheyn kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga yaabo in ay sameeyaan labada lamaane iyo in liiska dhibbanayaasha waxa loo maleynayaa inay ku jiraan 30 qof oo si xun loo dilay ugu yaraan tan 1999 kuna baxay Gacanta kuwan Hilibka Dadka Cuna ilaa iyo haddana waxa la Xaqiijiyey Toddoba kiis.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso