Maxkamadeynta Wadaad Ciraaqi oo Jarmalka lagaga soo oogay dacwad ah in ay qorayeen dagaalyahanno u heelan ururka Dawlada Islaamiga!!

Maxkamad ku taala Dalka Jermalka ayaa bilowday Dhegysiga Dacwad lagu soo eedeeyay Wadaad reer Ciraaq ah in uu u qoray askar dagaalyahano ah ururka Dawlada Islaamiga ah waxa kale oo uu madax ka ahaa isku xidhka weerarkii suuq Maalintii ciida Christmas-ka  magaalada Berlin sannadkii hore.

 

 

Wadaadkan Ciraaqiga ah  Ahmed Abdul Aziz Abdullah, oo lagu naanayso “Abu Walaa,” ayaa ka soo hor muuqday maxkamad ku taalla waqooyiga Jarmalka isaga iyo afar xubnood oo ka tirsan shabakadiisa.

 

Shantan eedeysane ayaa la kulmi doona ciqaab ilaa 10 sano oo xabsi ah haddii lagu helo in ay bixiyaan fududeyn ama gargaar dhaqaale si ay ugu dhoofiyaan dagaalyahannada meelaha ay gacanta ku hayaan ururka Dawlada Islaamiga ah ee Syria iyo Ciraaq.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso