Gudaha Ka Eeg : Nin Hubaysan oo Lagu Qabtay Meel u Dhaw Aqalka Cad ee Maraykanka

Bilayska Mareykanka ayaa xidhay nin u dhowaa Aqalka Cad kadib markii laga helay dhowr qori, bistoolado iyo 3 mindiyood oo uu ku jiray gaadhigiisa wuxuuna qirtay inuu qorsheynayay inuu gaadho Xarunta Madaxtooyada.

Shaqaalaha qarsoodiga ah ee xarunta madaxtooyada ee Maraykanka ayaa ogaaday nin subaxdii jaray isgoyska 17 iyo Pennsylvania Avenue Oo ku Kaajaya Halkii dadku marayeen.markii lala hadlayna waxa uu sheegay inuu u socday Xaga Aqalka Cad doonayayna in uu la kulmo Agaasimaha Hay’adda Amniga Qaranka Michael Rogers iyo Xoghayaha Gaashaandhiga James Matisse si uu ugala tashado “jeegaga mushaharka lumay iyo sida loo helo inta ku hadha madaxyada.”

Ninkuna wuxuu yimid meel u dhow Aqalka Cad Wata Gaadhi Model 2009 Nissan oo leh taarikada liisanka oo ay bixisay Tennessee.

Kadib markii la isku raacay in la baadho gaadhigiisa, booliisku wuxuu helay sagaal hub oo qoryo ah, oo ay ku jiraan bistoolado iyo qoryaha weerarrada, iyo sidoo kale mindiyo, qafis iyo rasaas.

Tuhmanaha ayaa loo qaaday xarun caafimaad si loo baadho kadibna loo wareejiyo saldhig booliis. Waxaa lagu eedeeyay inuu jabiyay xeerarka kaydinta iyo Qaadashada hubka.

Warqabadka Toggaerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso