Falastiin oo Loo Ogolaaday In ay Xubin ka Noqoto INTERPOL Ka dib Isku Dayo Badan oo ay kaga horjoogsanayeen Isreal iyo Maraykanku

Ururka Caalamiga ah ee Bilayska (Interpol) ayaa maanta ku dhawaaqay in la ogolaaday lana aqbalay xubinimada Falastiin ee ururka Ka dib shirweynaha Guud oo lagu qabtay magaalada Beijing.

75 xubnood oo ka mid ah Golaha ayaa u codeeyay ku biiritaanka Falastiin inkastoo ay isku dayeen Israa’iil iyo Maraykanku inay diidaan iyagoo cadaadis saaraya ururka si aan loo aqbalin Xubinimada aqbalaadiisa.

Habeenimadii Isniinta Interpol waxay ku heshiiyeen codsiga Falastiin si ay ugu biiraan oo ay ku daraan ajendahooda si ay u codeeyaan ka hor Golaha Guud.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso