In ka badan 1000 muhaajiriin Oo laga Badbaadiyey in ay ku Qaraqmaan badda Mediterranean

Maraakiib Talyaani iyo Yurub ah ayaa badbaadiyey in ka badan 1,000 muhaajiriin Badweynta Maalintii Salaasadii iyaga oo ku dhaw in qaraqmaan.

Afhayeen u hadlay Hay’ada Caalamiga ah ee Socdaalka  Flavio de Giacomo, ayaa Arbacadii sheegay in maraakiibta Talyaaniga iyo kuwa Yurub ay badbaadiyeen 1,105 qaxooti ah oo ku qaraqmaya badda Mediterranean.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa lagu sheegay in 4324 tahriibayaal ah ay yimaadeen Dekedaha Talyaaniga intii u dhaxaysay Sebtembar illaa Isniintii, halka   3,900 oo muhaajiriin ah ay yimaadeen Talyaaniga bishii hore.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso