Tacsi Madaxweyne Geerida Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyaanle)

27/09/2017

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa, Golayaasha Qaranka, Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyaanle) oo ku geeriyooday dalka Hindiya xalay niskii danbe oo ay taariikhdu ahayd 27/09/2017.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi, aqoonyahan ah door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada nool, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland, mudooyinkii u danbeeyeyna waxa uu ka mid ahaa 82-ka xildhibaan ee golaha wakiilada Somaliland ka kooban yahay, iyadoo lagu xasuusan doono kaalintii geesinimada lahayd ee uu la barbar taagnaa marwalba jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu waxwalba ka horaysiin jiray.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso