Tacsi marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle

Tacsi

Marxuum Cabdiraxmaan Talyanle

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna murashaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, Xildhibaanka Golaha Wakiilada Saleebaan Cali Koore, Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Hargeysa oo kala ah Cabdicasiis Aadan Habane, Axmed Cali Haybe, Cabdi Cali Yuusuf, Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare, Mustafe Cismaan Daahir. Dhamaantood waxay tacsi u dirayaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ku geeriyooday waddanka India.

Waxay Allah uga baryayaan inuu marxuumka jannatul Firdowsa ku abaal-mariyo, ehelka, asxaabta iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso