Komishanka doorashooyinka iyo aftida waddanka Kurdistan oo hadda ka hadlaya Shir Jaraa`id oo ay qabteen kuna shaacinayaan Natiijada Aftidii Laga Qabtay Kurdistan ayaa ku dhawaaqay guusha hawsha aftida sidoo kalena sheegay in Dadka u Codeeyey in Kurdistan Gooni Isutaagto ay yihiin 92.7% taas oo ah In Kurdistan noqoto dawlad madaxbannaan.
Madaxa Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in hannaanka aftida loo fuliyay si dagan iyada oo aan jirin xadgudubyo waaweyni waxay tilmaameen in tirada codbixiyayaasha Haa ay tahay 2.8 milyan oo qof.
Tirada Goobjoogayaashu waa 400 kormeerayaal caalami ah 2,000 oo kormeerayaal maxali ah, 159 warbaahin ajnabi ah iyo 500 oo maxalli ah iyo 23,564 kormeerayaal Hay`adaha siyaasiga ah.
Warqabadka ToggaHerer