Wasiir Cukuse Hal Ma Seego!!!.

Wasiir Cukuse Hal Ma Seego!!!.

 

Wefti Uu Hogaamin Doono Maalmaha Soo Socda Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa Jagada Madaxweynenimo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi & Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL. 

Mudane:-
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cali Ismaaciil Rooble (Cukuse). Oo Mari-doona Deegaanka Sallexley & Balli-mataan.

Hadaba Wasiir Cukuse Wuxuu ka mid Yahay Wasiirada Ugu Cad-cad Xukuumadda Madaxweyne Siiraanyo. 
Waxaanu Alle Hibo u Siiyay Af-tahanimo & Balaaqad, Ku Darsoo Raganimaduna Ay Biyo Dhigtay.

Sidaa Darteed Wuxuu Dhawaan Wasiir Cabdilaahi & Wefdi Balaadhan Oo uu Hogaaminayo Musharaxa Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Ay Xadhigga Ka Jari-doonaa Dhawr & Toban Mashruuc Oo Wasaaraddiisu Ka Hirgalisay Degmooyinka Sallexlay & Balli-mataan.
Mashaariic-daa Oo Ka Mid Noqon-doonta Mashaariicda Ay Fulisay Xukuumadda Axmed Siiraanyo.

Mashaariicduna Waa Kuwan:-

1. Iskuulka Hal-door; Wuxuu Wasiir Cukuse Ku Wareegin-doonaa Lacag Dhan

♡. $60,000. Oo Xukuumaddu Ugu Deeq-day Ururka Hal-door.
2. Toon; Wuxuu Xadhigga Ka Jari-doonaa Dhismaha

♡. MCH-ka Xanaanada Xoolaha Oo La Qalabeeyay Dawadiina La Dhigay

♡. Saddex Qof-na Deegaanka Looga Shaqaaleysiiyay &

♡. Dhaamkii Weynaa Oo Dib u Casriyayn Loogu Sameeyay Deegaanka Toon.
3. Qool-caddey; Oo Iyana Xadhigga Laga Jari-doono

♡. MCH-ka Xanaano Xooleed Halkaa Laga Dhisay Laguna Qalabeeyay Dawadii Xoolaha +

♡. Saddex Qof Oo Deegaanka Looga Shaqaaleysiiyay.
4. Banka Qool-caddey; Oo Iyana Xadhigga Laga Jari-doono

♡. MCH-kii Xanaanada Xoolaha

♡. Riig Biyoodkii Hore

♡. Laba Dhaam &

♡. Riig Biyood Labaad Oo Isna Hadda Maraya 380-mitir.
5. Warta Aadan; Oo Iyana Xadhigga Laga Jari-doono

♡. MCH-kii Xanaanada Xoolaha Oo Dawadii Xoolahana La Dhigay +

♡. Saddex Qof Oo Deegaanka Looga Shaqaaleysiiyay.
6. Sallexley Gudaheeda; Iyadoo Halkaana Xadhigga Lagaga Jari-doono

♡. Dhismaha Guriga Martida Degmada Sallexley

♡  Dhismaha Deyrka Dhakhtarka  + ♡. Wareejinta Lacagtii Macalimiinta Gaaroodi Ee Degmada Sallexley.
7. Qool-buulale; Oo Isna Xadhigga Laga Jari-doono

♡. MCH-kii Xanaanada Xoolaha Oo Dawadiina La Dhigay +

♡. Saddex Qof Oo Deegaanka Looga Shaqaaleysiiyay &

♡. Dhaam Weyn Oo Bacdiina La Dhigay.
8. Labi-sagaalo; Oo Iyana Xadhigga Laga Jari-doono

♡. MCH-ka Xanaanada Xoolaha Oo Dawadiina La Dhigay +

♡. Saddex Qof Oo Deegaanka Looga Shaqaaleysiiyay.
9. Higlada; Oo Iyana Laga Furi-doono ♡. MCH-kii Xanaanada Xoolaha +

♡. Saddex Qof Oo Deegaanka Looga Shaqaaleysiiyay.

Ugu Denbeyn:-
10. Balli-mataan; Waxa Iyana Xadhigga Laga Jari-doonaa Dhismayaasha

♡. MCH-ka Xanaanada Xoolaha Oo Dawadiina La Dhigay

♡. Saddex Qof Oo Deegaanka Looga Shaqaaleysiiyay

♡. Saldhigii Booliiska &

♡. Secondry Schoolkii Oo Isna Si Fican Loo Qalabeeyay ee Degmada Balli-mataan.

Allaa Mahad Leh.

Qalinkii : Gar. Keyse Koosaar Cilmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso