Etihad Airways ayaa ku dhawaaqday geerida mid ka mid ah duuliyayaashii Waday dayuuradooda Duulimaadkeedu ahaa ‘EY927’ ee ka duushay Abu Dhabi kuna socotay Amsterdam ka dib markii xaalad caafimaad oo degdeg ahi ku timid duuliyihii diyaaradda waxaan loo duway Garoonka Caalamiga ah ee Kuwait isaga oo duulinayo Kaaliyihii Duuliyaha.
Shirkadda ayaa ku sheegtay war saxaafadeed ay soo saartay in diyaaraddu si ammaan ah ugu degtay garoonka diyaaradaha Kuwait.
Agaasimaha guud ee duulista duulimaadka ee Kuwait ayaa sheegay xarunta la socodka Hawada in ay soo gaadhay heleen fariin saacadu markay ahayd toddobo subaxnimo oo ka timid mid ka mid ah diyaaradaha marayay hawada Kuwait oo sheegaya in duuliyihii diyaaradda ay la soo daristay Xaalad caafimaad Daro.
Waxaanu tilmaamay in ay ula macaamileen si degdeg ah nidaamka waafaqsan nabadgelyada Duulimaadyada diyaaraduna si nabadgelyo ah usoo degtey.
Warar ka soo baxaya ayaa sheegaya in kaaliyaha duuliyadu uu si nabadgelyo ah u soo dejiyey diyaaradda ka dib markii uu kantaroolay.
Ka dib Gawaadhida Ambulance iyo shaqaalaha amniga ay tagay goobta diyaaradda waxayna baadhitaan ku sameeyeeyn Duliyihii Diyaraada waxayna Natiijadi Noqotay in uu dhintay.
Duuliyaha Ayaa ahaa 51-sano jir u dhashay dalka Canada.
Warqabadka ToggaHerer