Gudaha ka Akhri: Tirda Askarta Suudaan looga dilay Yemen oo La Ogaaday!!!!

Taliyaha ciidamada difaaca ee dalka Sudan General Mohammad Hamdan Hamidati ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadiisa ka qeyb qaata dagaalkii Yaman ee la jira isbahaysiga Sacuudi Carabiya looga dilay 412 askari oo ay ku jiraan 14 sarkaal.

“Waxaan si firfircoon uga qaybqaadaney goobaha laga xoreeyey, waxaananku weynay 412 askari, oo ay ku jiraan 14 Sarkaal,” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan Milatariga Sudan mar uu waraysi siiyey wargeyska Sudan ee Al-Jarida, isaga oo ka jawaabaya su’aasha ku saabsan ka qaybgalka ciidamadiisa dagaalkii Yaman.

Bishii Agoost gudoomiyaha Kacaanka Houthis, Maxamed Cali al-Houthi ayaa wacad ku maray inay xasuuqi doonaan ciidammada Suudaan ee ka barbar dagaalamaya isbahaysiga Carabta .

Bishii Juun 23-keedii Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa soo booqday qabriyada askarta Sudan ee lagu dilay dagaallada Yemen oo lagu aasay qabuuraha al-Baqiic ee Madiina Sacuudi Carabiya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso