Abbasia Farghaly Haweenaydii u horeysay  ee Masaari ah Ee Qaadatay Liisan Darawalnimo Waxay ahayd  97 sano ka hor, Halka Haweenayda Sucuudiga loo ogolaaday Salaasadii.!!!

Sacuudi Carabiya Haweenka ayaa loo ogolaaday inay hesho Liisanka Baabuur Wadista Salaasadii Dhawayd ka dib go`aankii Boqorka Sucuudiga Amiir Salman  Markii ugu horeysay Taariikhda.

 

Laakiin waddamada gobolka  gaar ahaan Masar Gabadh Magaceeda la yidhaa Abbasia Ahmed Farghali  ayaa ahayd noqotayna haweeneydii ugu horreysay ee Masar  ee hesha liisan darawalnimo 97 sano ka hor.

Abbasia Farghali waxay heshay liisan darawalnimo bishii July 24, 1920 iyada  oo ka timid Faransiiska kaas oo ay ku isticmaashay Masar.

Halka ay markii dambe heshay laysanka darawalnimada ee Masar si ay u noqoto mid  qiimo weyn oo qadiimi ah ugu fadhiya, taas oo ka dhigtay in lagu iibiyo goobaha Aasaarta qadiimiga ah.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso