Al-Baqdaadi oo Soo Diray Cajal Cusub dadka raacsana ugu baaqay inay sii wadaan dagaalka

Abuu Bakar al-Baghdadi aayaa soo duubay Fariin cod ah oo cusub isaga oo ku booriyay dadka raacsan “sabir iyo dulqaad” ku waajahaan cadaawayaashooda Suuriya iyo Ciraaq, isaga oo tixraacaya hawlgallada milatari ee ka dhanka ah ururka ayna wadaan Isbahaysiga Caalamiga ah ee ka soo horjeeda Daacish.

Cajaladan Maqalka ah ayaa soconaysa 46 Daqiiqo tanina waxay noqonaysa markii u horeysay muddo sannad ah oo la maqlo Al-Baghdadi Kooxda Daacish ayaa lumisay dhul balaadhan oo ay xukumayeen oo ka tirsan Syria iyo Ciraaq. Waxaana laga yaabaa in Baqdaadi uu doonayo inuu ku muujiyo weli inuu nool yahay taas oo uu ku dhiirrigelinayo taageerayaashiisa kuwaas oo ku jabiyay Weeraradii u dambeeyey.

Taariikhda la duubay Cajaladan lama hubo Laakiin wuxu ku xusay Hanjabaada North Korea ee Maraykanka iyo Japan taas oo micnaheedu yahay in la duubay dhowaan. sidoo kale waxa uu Baqdaadi si aan toos ahayn u tilmaamayaa weerarradii dhawaan ee tareenka London iyo Barcelona.

Baqdaadi waxa la rumaysan yahay inuu ku dhuumanayo lamadegaanka oo kumanaan kiilomitir ah oo u dhaxeya Ciraaq iyo Suuriya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso