Wasaaradda arrimaha dibedda Malaysia ayaa sheegtay in mamnuucista safarka dib loo eegi doono “haddii xaaladdu ay noqoto mid caadi ah,” sida ay soo warisay Reuters.

Malaysia waa mid ka mid ah dalalka fara ku tirsiska ah ee xidhiidhka diblomaasiyadeed la leh Waqooyiga Kuuriya, laakiin xidhiidhka ayaa  daalaa dhacyay ilaa bishii Febraayo kadib dilkii hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un walaalkiis  ee lagu Dilay Madaarka Kuala Lumpur International Airport.

Kooxda kubadda cagta Malaysia ayaa lagu waday inay waajahdo dhiggeeda North Korea ciyaar ka tirsanayd Asian Cup oo ka dhacaysay Pyongyang 5-ta oktoobar, Cayaartan ayaa laba jeer dib loo dhigay sababo la xidhiidha ammaanka.

Warqabadka ToggaHerer